Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay fuliyeen degaanno hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose ku khaarijiyeen Hogaamoye iyo Xubno ka tirsanaa Dagalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay ciidamada Xoogga iney ka war heleen goob ay isku uruur sanayeen Xubno Al-Shabaab una jirta Awdheegle 6-KM, ay howlgal qorsheysan oo ay ciidanka fuliyeeen ay halkaasi kudileen 8 Dagalame oo uu ku jiro Amiirkii Al-Shabaab Alqaacidda u qaabilsanaa Awdheegle iyo degaannada hoosyimaada sida uu Idaacadda ku hadasha codka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Axmed Maslax Xuseen.

Ciidanka Xoogga ayaa gobolka Shabeelaha Hoose ka kawada howlgalo lagu ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.