Siihayaha Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan oo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay weerarkii shalayka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen howlgalkii ay ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe.
Wasiirka oo shacabka kala hadlayay Talefishinka Dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii maanta falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socoto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki ka dhacay xabsiga gudahiisa.
Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada soo socda wixii ka soo baxa, waxaana uu ciidanka kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.