Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiiro katirsan Maamulkaasi Puntland.

Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.

Warka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne deni loogama hadlin Waxa uu salka ku hayo Safarka Madaxweynaha Puntland.