Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa ka dhawaajiyay in uu bilowaday dagaal ka dhan ah AL-Shabaab oo loga saarayo goobaha ay kaga suganyihin deegaanada maamulka galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadeen  in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab .

Maamulka Galmudug,waxa ay xuseen in howlgalka lagu saarayo Al-Shabaab ay iska kaashan donaan ciidamada dowlada iyo beesha caalamka,iyagoo dhinaca kale kula dardaarmay dadka Gobolkaasi in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-shabaab.

Hadaladaan ka soo yeeray Madaxda Galmudug ayay imaanaya  xili ay booqdeen deegaanka Shabeeloow oo ay ku dagaalameen  dad shacab ah iyo kooxda Al-shabaab