Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulma Koofur galbeed.
Mudane Cabdulcasiis Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u yimid ka qeybgalka Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka kaasoo ka furmaya Dhawaan Caasimadda Galmudug.
Shirka 3aad ee ka dhacaya Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Farmaajo Iyo kuwa Maamul Gobaleedyada Dalka Federaalka Soomaaliya.




