Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoogga saaraya sidii looga mira-dhallin lahaa Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dhanka kali wali lama oga in shirkaasi ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland Iyo Puntland oo hada aan wali gaari Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka ka furmaya halkaasi ayaa ah mid la doonayo in lagu xaliyo Muranka ka taagan nuuca ay noqoneyso Doorashada Soomaaliya.