Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu jabiyay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla.

Sidoo kale

“Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ka hor jeediyay fadhiga guud ee golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad, kulankiisii gaarka ahaa ee 2-aad, kaas oo dhacay 15 August 2020, hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbadiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka” ayuu yidhi guddoomiyaha aqalka sare.

“Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay nidaamka Feederaalka oo leh laba baarlamaan,waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal” ayuu ugu dambeen Yiri.