Koox hubeysan oo la aaminsan Yahay iney katirsan Yihiin Al-shabaab ayaa weerartay hotel ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Weerarkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgal lagu badbaadinayo dadka shacabka ah ee hotelka la weeraray ku go’doonsan, waxaana la maqlayaa mararka qaar rasaas Goos Goos ah.

Cabdirisaaq Cabdi Cabdulaahi, oo ahaa Agaasimahii Xiriirka Maamul Goboleedyadda ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaaa kamid ah dadka ku dhintay.

Waxaa kamid ah dadka ku dhaawacmey qaraxa Wasiirka Howlaha Guud Iyo Guryeynta Galmudug Ahmed Washington iyo Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV ga Qaranka sida uu Xaqiijiyay Xoghaya Guud ee Ururka Isku-taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed Fosej Macallimuu oo ka Mid ahaa Dadka ka soo badbaaday Weerarka.

Sidoo kale Macallimuu ayaa sheegay Xilliga Qaraxa uu dhacayay inuu la fadhiyay Agaasimaha Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta oo Dadka dhintay ku Jira.

Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir ayaa ka tacsiyadeeyay geerida agaasimhii xiriirka gobolada ee Wasaaradda & dadkii kale ee ku dhintay weerarkii ka dhacay Liido.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com