Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Weerar ku bilowday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo Saakay lagu Weeraray deegaanka Goofgaduud oo ay ku sugan Yihiin Ciidamada Xoogga Iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Dagaalka Qaraxa ku bilowday ee ka dhacay deegaanka ee u dhaxeeyay Al-Shabaab, Ciidanka KGS Iyo Kuwa Xoogga Soomaaliya.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Duudishe Ayaa ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii saakay ka dhacay Baay.
“Weerar ay saakay argagixisadu ku qaaday Deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka
Baay, waxaa halkaas ku dhintay 5 xubnood oo kala ahaa Masuuliyiin, Ciidanka iyo dadka deegaanka, weerarka oo ku bilowday gaari lagu Soo raray walxaha Qarxa ayaa lagu weraray Xarunta Degeenka, waxaa halkaas ku dhintay 3 xubnood oo isagu jira ( 2- Xubnood oo Ciidanka Xooga Dalka ah iyo eedeysane)” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya
Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay Qarqx kusoo Xireen Meyd kaasi oo sababay dhimashada Gudoomiyihii deegaanka Iyo Iyo Taliyihii Booliska deegaankaasi.
“Intaas kadib, ayeey argagixisadu isticmaaleen dhagar, iyaga oo Meyd ku Soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska oo iyaguna ku dhafwayay qaraxii 2-aad ee meydka ku xirnaa” ayuu yiri Afhayeenka.
Guud ahaan dhimashada qaraxyada maanta ka dhacay Deegaanka Goofgaduud Buureey ayaa noqonaya ilaa 5 xubnood.