Faah Faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaari nooca xamuulka oo bareeg laga waayay uu dad badan ku jiiray ama ku dardaray halkaasi.

Wali si rasmi ah looma xaqiijinin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Shilka, balse waxaa jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shilka.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo boolis ah iyo dad badan oo Shacab ah.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com