Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Baladxaawo

Wuxuu Sheegay Qaraxaasi inuu miino lagu qariyay dusha sare ee Maqaayad ku taala Xaafada Suuqa Timacade Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

“Al-Shabaab ayaa maanta waxey walxaha Qarxa ku qariyeen dusha sarre ee maqaayad ku taala Xaafada Suuqa Timacade Degmada Beledxaawo, waxaana lala eegtay dad shacab ah oo maqaayadaas ka cunteynayay” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Inta la Xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhimatay 6 ruux oo 2 ka mid ah ay dumar ahaayeen iyo dhaawaca 15 kale.

Sidoo kale 6 ka mid ah dhaawacyada oo garaabo ah, ayaa loo qaaday Degmada Doolow si Muqdisho loogu Soo qaado looguna dabiibo, sida uu Xaqiijiyay Afhayeen Saadik.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi khasaaraha badan dhaliyay.