Afhayeenka Booliska Soomaliyeed ayaa Sheegay Howlgal Xoogan inuu ka socdo Guud ahaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinka halbowlaha u ah Caasimada.

Wuxuu Sheegay Howlgalkan in lagu sugaayo Amaanka Magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah oo ay fulinayeen Al-Shabaab.

“Howlgalo lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo howlaha sugidda Amniga Caasimada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Caawa ka socda guud ahaan Caasimada, gaar ahaan wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka”

Ujeedka howlgaladan ayuu ku sheegay inuu yahay sidii loo adkeyn lahaa amniga iyo Xasiloonida Caasimada, Isla markaana looga hortagilahaa fursado amnidaro oo ay maleegaan argagixisadu iyo cid walba oo sababikarta fal amniga lid ku ah.