Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo saaxibada mareykanka ayaa  duqeyn cirka ah ku dilay Cabduqaadir Cusmaan Yaroow oo magaciisu afgarashadu aheyd Cabduqaadir Kumaandoos kana tirsanaa Saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo ka dhacay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Kumaandoos ayaa mar ahaa Madixii Jabhadaha Alshabaab, waxa uu sidoo kale u xuubsiibtay Qaybta Warbaahinta Shabaab.

Hadda dilkiisa marka uu dhacayay waxa uu madaxa ka tirsanayay xoolo uu saami u helay oo ay Alshabaab Zako ahaan kaga qaateen dadka deegaanka sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya.