Madaxweynaha Puntland oo Xalay Muqdisho kula kulmay Mas’uuliyiin hore oo katirsanaa Dowladda iyo kuwa katirsanaa Puntland.

Ugu horeyn Madaxweyne Deni ayaa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Puntland oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo labaduba hore usoo noqday Ra’iisal wasaare ku-xigeen.

Wuxuu kala hadlay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasada Soomaaliya iyo arimo kale.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi hadana ah mid aad u taageersan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin qaabka ay noqon karto Doorashada lagu muransan yahay iney ka dhacdo Soomaaliya iyo Xaalada siyaasadeed ee kala guurka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho u yimid in xal laga gaaro qaabka ay u dhaceyso Doorashada Soomaaliya iyo in xal laga gaaro khilaafka DFS iyo Maamulada Jubbaland Iyo Puntland.