Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax uu fuliyay ruux isku soo xirxiray waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Barxada Maqaayad Shaaheeyo oo kaabiga ku heysa Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta la Xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Seydoow Sheekh Abukar oo katirsanaa Saraakiisha Koofi casta iyo Askari ilaalo ka hayay Barta Koonorool ee Gaadiidka lagu baaro oo ku dhow Maqaayadda Blue Sky iyo sidoo kale dad Shacab ah oo goobta joogay.

Al-Shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyada Weerarka kuwaa oo sheegay iney ku dileen 6 katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo Saraakiil ay ku jiraan iyo dhaawacyada 10 kale.

Dhanka kale Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada Alshabaab aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka, ayuu yiri Mahdi Maxamed.

“Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”

“Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhanka kale war kasoo baxay dowladda ayaa lagu Cambaareeyay Weerarka waxana kamid ah dadka ka hadlay Qaraxa Duqa Muqdisho Cumar Filish Iyo Afhayeenka wasaarada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya.