Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen askari baxsad ahaa oo waqooyiga Gaalkacyo ku dilay nin Shacab ahaa oo kamid ahaa Ganacsatada Mudug.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee dhanka Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay Askariga in laga soo qabtay degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Sidoo kale howlgalkii lagu soo qabtay Askarigaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ahaa kuwa oo halkaasi ka dhawaa sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Dilka Ganacsatadaha ayaa 11-kii Bishaan September ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo.