Kooxo hubeysan oo Xalay weerar loo adeegsaday Bamgacmeed ku qaaday Maqaayad ku taall gudaha degmada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Goobjooge ayaa sheegay Maqaayada Bamka lagu weeraray iney ku sugnaayeen Askar iyo dad kale oo Shacab u badnaa.

Inta la Xaqiijiyay ilaa 3 ruux ayaa ku dhaawacmay Weerarka kuwaa oo la dhigay Xarun caafimaad oo ku taall Baladweyne.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Degmada iyo kan Taliska Ciidanka Dowladda.