Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Diyaarad Xamuul ah oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Aden Adde International Airport ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ilo Xog ogaal ah ayaa Warbaahinra u sheegay Diyaaradaan iney Xamuul u waday magaalada Beledweyne sidaasna ay ku gashay Shilka.

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa ku hawlan samatabixinta dadkii saarnaa oo 4 ruux ahaa.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Garoonka Iyo Wasaarada Duulista iyo Saadaaysha Hawada Soomaaliya oo looga hadlayo Sababta kaliftay iney soo dhacdo Diyaarada kuna soo dhacdo garoonka aadan cade.

Wixii Kusoo Kordha kala Soco Kalsantv.com