Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka XFS ayaa sheegay in 4 shaqaale ay ka soo bad baadiyeen diyaaradii Xamuulka ahayd ee saaka ku dhacday garoonka Aadan Cade.

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira oo wada badbaaday.

Hawlwadeenada garoonka diyaaradda ayaa hadda wada hawlo diyaaradda loogana qaadayo qaybta Run-wayga, 05, ee xalane xigta si aysan u xanibin diyaaradaha kale ee garoonka imaanaya.