Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha Qeybta 27-aad ee ka howlgala Deegaannada Hirshabelle, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira ammaanka Deegaannada Maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Waare Ayaa Taliye Odowaa iyo saraakiishaasi kala hadlay Xaaladda amniga HirShabelle, iyo dardargelinta barnaamijka kalaguurka Soomaaliya ( Somalia Transitional Plan) ee xorreynta degaanada HirShabelle oo hada meelaha qaar Shabaab gacanta ku hayaan.

Mudane Waare ayaa sidoo kale saraakiisha kala hadlay amni darada wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Jowhar Iyo Muqdisho oo Alshabaab ay ka fuliyaan Weeraro kala duwan.

Sidoo kale Taliyaha iyo Saraakisha ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Howlgalo ka dhan ah Kooxda Shabaab oo Xiriir toos ah la leh Ururweynaha Alqaaacidda.