Ciidanka kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.

Hawlgalka ayaa ciidanka waxey ku bur-buriyeen maxkamad Alshabaab ay lahaayeen, kuwaasi oo ay dadka uga yeeri jireen.

Taliyaha ciidanka xoogga S/guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha Shabaab dadka ay lacagaha uga qaadaan, isaggoo xusay in ciidanka ay cagta mariyeen goobo badan oo Alshabaab ay ku Sugnayeen.

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga sifeyn Alqaacidda.