Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada dawladd deegaanka Soomaalida.
Cali Khaliif ayaa horey usoo noqday Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya sannadkii 2000, sidaas oo kale wuxuu soo noqday Hoggaamiyaha Khaatumo State oo mar laga dhisay gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn markii dambena heshiis la galay Madaxda Soomaaliland.
Marxuum Galaydh ayaa kamid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, wuxuuna ku dhashay Laascaanood qiyaastii 1941-dii, isagoo kugeeriyooday da’ada 78sano jir.