Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka Tacsiyadeeyay geeridii ku timid allaha Unaxariisto Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galayr.
Guddoomiyaha Cumar Filish oo ka tacsiyadeynayo geerida Marxuumka ayaa yiri.
“Inaa Lilaahi Wa Inaa-ileehi RaajiCuun.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Allaha u Unaxariisto Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galayr, Waxaan ku xasuusan doonnaa doorkii wanaagsanaa oo uu ka geestay dhismaha dowladnimada iyo dib usoo kabashada Dalka”.