Faah faaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay duleedka Degmada Baraawe ee Gobalka Sh/hoose.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa sheegay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo kuwa Al-Shabaab inuu ka dhacay halkaasi, Sidoo kale uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac ee ku Dagalamay Duleedka Baraawe.

Sidoo kale wuxuu sheegay intii uu dagaalka socday iyo markii uu dhamaaday ay jireen dhowr madfac oo labada dhinac isku dhaaf sadeen Dagaalka bilowgiisa Iyo dhamaadkiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Amisom howlgalo ka dhan ah Alshabaab ay ka sameeyeen deegeenada ku hareereesan degma Xeebeedka Baraawe.