Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo ciidamadiisa Jooga Soomaaliya ee garabka siiya Ciidamada Xoogga in laga soo saaro gabi ahaamba gudaha Dalka Soomaaliya.

War lagu daabacay Mareegta bloomberg ayaa lagu sheegay Trump inuu kala hadlay la taliyeyaashiisa sarre in uu doonayo in Ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya iyo wadamada kale ee qaar.

Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo lagu qiyaaso tiradooda 650 illaa 800 askari, ayaa tageero xoog leh siiya Ciidamadda Soomaaliya iyaga oo ka tageera dhinacyada tababarada iyo howlgalada culus ee ka dhaca Soomaaliya marka ay u mareyn waayaan Ciidamada Soomaaliya.

Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu Ciidamada Mareykanka kasoo saaro Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya, wuxuuna tallaabadan ku doonayaa inuu ku helo tageerayaal badan madaama markii hore uu olalihiisa ku galay inuu Ciidamadda Mareykanka ee dalalka caalamka ku sugan kusoo celin doono dalkooda walina uusa wada hir galin qorshihiisaas mareykanka.

Boqolaal katirsan ciidamada Mareykanka ayaa jooga Soomaaliya sidoo kale waxaa jiro kuwa kale oo aan lasoo bandhigin cadadooda oo ka qeyb qaata Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab sida Duqeymaha iyo Dagaalada.