Ciidamo katirsan Amisom gaar ahaan kuwa Dowladda Burundi ayaa Haweeneey ku dilay Deegaanka Buurane Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii halkaasi lagula eegtay Qarax Miino oo ilaa hada la ogeen Khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Militariga Amisom.

Sidoo kale Ciidamada Burundi ayaa Jirdil Xoogan u geystay Haweeneey kale oo Xaamilo ama Uur laheyd, taasi oo la sheegay dhaawacyo soo gaaray darteed in loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Jowhar.

Ehelada Labada Haween ee midna la dilay midna Jirdilka Xoogan loo geystay ayaa sheegay in ciidamada markii falkaasi ay ku kaceen ay isaga baxeen Deeganka Buurane.

Dhanka kale Ehelada Haweeneeyda la dilay ayaa sheegay in sidaan oo kale ciidanka Burundi ay Toogasho ugu dileen Saygeeda yacnii ninkii qabi jiray Haweeneyda maanta ay dileen ciidamada Dowladda Burundi.

Ciidamada la qarxiyay ayaa si maalinle ah biyo uga qaada Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo ay saldhig ku leeyihiin si ay ugu geeyaan Ciidamada kale ee ku sugan Degmada Mahadaay Gobolka Shabeelaha Dhexe.