Ciidanka Xoogga ayaa Sheegay iney dileen 19 ka tirsan AlShabaab, noloshana ku qabteen labo kale, iyaggoo sidoo kale gubay labo gaari, kadib markii ciidanka ay dagaal ku qaadeen deegaan qiyaastii 11 km u jira degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada ku hadash afka ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goobtii ay Joogee Alshabaab, islamarkaasna Khasaare uu kasoo gaaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Alqaacidda.

Wali wax war ah kama soo bixin Shabaab.