Kooxo hubeysan ayaa kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Puntland ku dilay xalay Magaalada Garoowe.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ka tirsanaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday kooxdii dilkaasi geysatay oo loo maleynayo iney katirsan yihiin Kooxda AlShabaab.

Wali Mas’uuliyiinta Puntland kama hadlin dilka Marxuumka Iyo cida ka dambeysay dilka.