Ciidamo katirsan kuwa Jubbaland ayaa la sheegay iney Rasaas ku kala eryeen dad shacab ahaa oo Banaanbax ka dhan ah Aflagaadadii Madaxweynaha Faransiiska uu kala dul dhacay Nabi Maxamed SCW ka dhigayay gudaha Magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay is hor istaag ku sameeyeen dadkaasi isku soo baxa ka dhanka ah Dowladda Faransiiska ka dhigayay Kismaayo.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Jubbaland oo looga hadlayo warka la xiriira Shacabka loo diiday iney dareenkooda muujiyaan oo ka dhiidhiyaan gafka loo geystay Xabiibkeena Maxamed SCW.

Wixii Kusoo Kordha kala soco Kalsantv.com