Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo katirsan Amisom oo saaka Qarax lagula eegtay oo marayay agagaarka isgoyska Fagax gaar ahaan Halka Loo yaqaano Masaajidka Turkiga ee ku yaala Wadada aada Xaafada Jamhuuriyada ee degmada Kaaraan.

Goobjooge ayaa sheegay Ciidanka Amisom Qaraxa kadib iney bilaabeen rasaas xoogan oo dadka deeganka u maleeyeen inuu dagaal ka qarxay Xaafada, walow markii dambe la ogaaday in rasaasta ay fureen ciidankaasi Qaraxa lagula eegtay Dabaqa Dhiiga oo udhaw Masaajidka Turkiga oo dhanka Waqooyi ka xiga Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Amisom ayaa ridayay hubka culus iyo kuwa fudud, walow wali aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay rasaasta Iyo Qaraxa lala eegtay ciidamada Amisom.

Wiixi Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com