Saraakiisha Ciidamada Booliska Degmooyinka Matabaan Beledweyn iyo Guriceel oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa ku Guuleystay in ay kala qadaan Ciidamo Maleeshiya Beeleed ah oo isku Hor fadhiyay Deegaano u dhexeeya Degmada Matabaan iyo Deegaanka Coomaad ee hoostaga Degmada Mataabaan ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka la kala qaaday ayaa maalmihii ugu dambeeyay isku hor fadhiyay, kuwaa oo ugu dambeen lagu guuleystay in la kala qaaado Labadaasi Maleeshiyo beeleed.

Gobalada dalka waxaa inta badan ku dagaalama Maleeshiyaad walaala ah oo dagaalkooda uu ka bilowdo aano qabiil iyo muran la xiira dhul daaqsin iyo beero.