Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu shir uga furmayaa Hotel ku yaall gudaha Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ujeedkiisa wuxuu yahay sidii war Xisbiyada Mucaaradka isku raacsan yihiin looga soo saari lahaa Doorashada Madaxtinimo ee dhawaan la filayo iney ka dhacdo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlayaa Guddiga doorashooyinka ee dhawaan dowladda magacawday kuwaa magacaabistooda muran badan hareeyay lagana muujiyay tuhuno fara badan.

Hogaamiyaasha Shirka ka qeyb galaya maanta ayaa kala ah sida:

1:Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

2: Sh Shariif Sheekh Axmed Iyo Xasan Sheekh oo madax ka ah Madasha Xisbiyada Qaran.

3: Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horay usoo kala noqday Madaweynayaashii hore ee Maamulada Koofur Galbeed iyo Maamulka Galmudug.

4: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ahna Musharax.

5: Hoggaamiyaha xisbiga Ileys Cabdulqaadir Cosoble Iyo Daahir Maxamuud Geelle Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran.