Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Xoogga gaar ahaan kuwa Nisa iyo Jabhad cusub oo dhawaan looga dhawaaqay Gobalka Hiiraan oo saaka ka dhacay deegaanka ilkacado oo ku yaall duleedka magaalada Baladweyne.

Dadka deegaanka ayaa Sheegay Ciidanka Nisa iney weerareen Jabhad uu hogaamiyo Sarkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ka gadoodsan doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Odayaasha dhaqanka oo horay ugu guul dareestay iney waan waan ku dhameeyaan tabashada Janaraalka ayaa kulamadii ay la yeesheen kusoo dhamaaday Natiijo La’aan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Nisa ay la wareegeen deegaanka Ilkacado oo maalmihii ugu dambeeyay fariisin ciidan ay ka sameysteen Jabhada Janaraal Xuud oo diidan Maamulka Cusub ee Hirshabelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Wixii Kusoo Kordha Dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay Kala Soco Kalsantv.com