Al-Shabaab ayaa War Kasoo Saartay Qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo uu ka badbaaday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon oo marayay agagaarka Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Maareeyaha labeegsaday uu si dirqi ah ku badbaaday balse ay qaraxa ku dhinteen 2 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

AlShabaab ayaa sidoo kale warkooda kusoo daray Qaraxii Xalay ka dhacay Wadada aada Garoonka Aadan Cadde iney ku dileen saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya.