Koox hubeysan ayaa Caawa gudaha Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku ku dilay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo ku magac dheeraa (Xasan Tiyeegoow) kana mid ahaa waxgaradka Gobalkaasi Hiiraan.

Allaah u naxariistee dilka Nabadoonkaasi majirto ilaa hada cid Sheegatay dilkiisa ama sheegtay Sababta Loo dilay Xasan Tiyeegoow.

Ciidanka Amaanka Magaalada iyo kuwa dowladda ayaa goobta gaaray kuwaa oo goobta ka qaaday meydka Nabadoonkaasi.

Sidoo kale ciidanka ayaa howlgal bilaa natiijo ka sameeyay halka Lagu Dilay Nabadoonka.

Dhanka kale wararka ayaa intaasi ku daraya in banaanbax looga soo horjeedo maamulka Cusub ee Hirshabelle uu caawa mar kale ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne.