Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore weerar culus uu ka dhacay deegaan ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka maamulka ‘Galmudug’.

Faah faahino hordhac ayaa kasoo baxaya Weerar ku bilowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo saaka lagu dhuftay Saldhigga ciidanka Xoogga qeybta 21aad deegaanka Bacaadweyn ee Gobalka Mudug.

War Kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay iney u suuro gashay iney gacanta ku dhigaan deegaanka Bacaadweyn oo saaka ay ku qaadeen weerar ku bilowday Ismiidaamin oo ugu dambeen u sahlay iney la wareegaan Goobihii ay ku sugnayeen Ciidanka Xoogga.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay iney gacanta ku dhigeen ilaa 5 gaari oo nuuca dagaalka oo kala ahaa Laba Zuug, laba Cabdi Bile oo dhashiike saaranyahay iyo gaari kale oo uu ku rakibanyahay qoriga B10-ka loo yaqaan iyo agab kale oo farabadan.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga oo looga hadlayo Weerarka ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee Gobalka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in AlShabaab hawada ay ka saareen Isgaarsiintii deegaanka oo wali Rasaas Goos goos laga maqlayo xaafada qaar ee deegaankaasi.

Wiixi Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com