Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay iney ciidanka Dowlada bur-buriyeen goob AlShabaab shacabka uga qaadi jireen lacagaha Cashuuraha iyo kuwa qaabka Zakawaad ahaanta looga qaado dadka.

Sidoo kale Saraakiisha Howlgalkaasi hogaamineysay ayaa sheegay iney sidoo kale burburiyeen Maxkamada Alshabaab ee gobalkaasi Shabeelaha hoose iyo xaruntii lacagaha lagu qaadayay ee Gobalkaasi.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ayaa sheegay iney howlgalkaasi ku dileen xubin oo katirsanaa dhaqdhaqaaqa hubeysan ee AlShabaab.

Deegaanka Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka Carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee dagmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka shabeelada hoose .