Dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay Safiirkii dalkeeda oo laga soo eryay dalka Soomaaliya sidoo kalena Soomaaliya ay u yeertay Safiirkii ka fadhiyay Dalkaasi.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya siweyn uga xun tahay tallaabada Soomaaliya ay dalkeeda uga ereday safiirkii Kenya u fadhiyay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Sheegay iney dib u eegis ku sameyn doonaan Xiisada kasoo cusboonaatay labada dal si xal looga gaaro.

“waxaa qaadi doonaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo wanaajinta xiriirka labada dal” ayuu yiri Xoghayaha Wasaarradda Dibadda Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda FS Maxamed Cali Nuur oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Ugu dambayn xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda FS aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.