Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mohamed Hussein Roble ayaa maanta soo kormeeray Howlaha ka socda Dekada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay Dekada Muqdisho iney kamid tahay dekadaha ugu horumarsan Afrika iyo dunida lehna halbeegyada dekadaha caalamiga ah.

“Waxaan maanta u kuur galay howlaha muhiimka ah ee ka socda iyo halka ay marayso shaqada horumarinta & ballaarinta dekadda. Hiigsigeennu waa dekadda Muqdisho oo ka mid noqota dekadaha ugu horumarsan Afrika iyo dunida lehna halbeegyada dekadaha caalamiga ah” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.