Howlgal ciidanka kumaandooska ah ee Danab ay sameeyeen deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose, ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen sida ay sheegeen labo amiir oo Alshabaab u qaabilsana qaatida Lacagaha canshuuraha ama kuwa kale.

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ayaa nolosha ku qabtay Labo amiir oo Alshabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha oo lagu kala magacaabo Siidow Mayow Xaaji iyo ruux kale oo magaciisa lagu soo koobay isaxaq.

Howlgalkaan ayaa laga sameeyey deegaanada Galhareeri, Cumar Beere, Maguurto Baalgure iyo Bullow oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.