Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuweyt Axmed Naasir Al-sabaax ayaa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah laga gaaray go’doomintii sanadaha lagu hayey Qatar, kaas oo madal wayn lagu saxiixi doono.

Dawladaha Sacuudiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn, iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi, iyo safarba ku soo rogay Qatar bartamihii sanadkii 2017-dii iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, balse Qatar way beenisay waxayna sheegtay in xayiraadaasi looga gol leeyahay in lagu wiiqo madaxbanaanideeda.

Tan iyo waqtigaas diyaaradaha Qatar ma istcimaalaynin hawada wadamada go’doomiyey, sidoo kalena xuduudaha dhinaca dhulka iyo Badda ay la wadaagto wax dhaqaqaaq ah kama jirin.

Hogaamiyaasha wadamadan carbeed ee Khaliijka ayaa lafilayaa inay maanta ku shiraan Sacuudi Carabiya halkaas oo ay ka dhici doono shir sanadle ah oo la filayo in lagu shaaciyo heshiis lagu soo afjarayo khilaafka.