Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.
Guddiga ayaa ka kooban:
Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.
Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.
Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo maagashiga.
Iyo Bangiga Maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.