Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ku sugan Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ayaa ku baaqay in la dilo Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa amray in ladilo Cabdi Ladiif Sanyare oo ay ku eedeeyeen inuu horay u sheegay in uu dhibsado Aadaanka salaada.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa Sheegay in Sanyare uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Culimada Iyo Aadanka Salaadaha Masjidka ayna banaan tahay in lagu dilo meel walbaa.