Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.