Ciidanka xoogga dalka aya ka hadlay howlgal ay ka sameeyeen tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere kuna bur buriyeen saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen halkaas.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay Howlgalkaasi in lagu dilay mid kamid ahaa hor Amiirada sare sare oo ka tirsan Alshabaab.

Warka kasoo baxay ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay Gaashaanle dhexe, Maxamed Dheer, oo ah taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad inuu ku dhaawacmay qarax miino oo haleelay gaariga uu la socday xili uu ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen ee qaraxaasi lagula eegtay.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladaasi iney kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari.