Faah Faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay Maleeshiyaadka loo yaqaan Macawiisleeyda Iyo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Gaarka ee Haramacad.

Khasaare ka dhashay Dagaalka ayaa jiro oo soo kala gaaray labada dhinac oo wararka qaar ay Xaqiijinayan in lagu dilay dagaalka Cabdi Casiis Maalin Guur oo ka tirsan Ciidamada Haramcad, Todobaadkii hore loo dalacsiiyay darajada Hal Xidigle, balse maanta lagu dilay Dagalkii deegaanka Jazeera.

Waa Sarkaalka dhintay