Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Weerar Madaafiic ahaa oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in la duqeeyay Saldhigga Ciidanka Kenya ee deegaanka, balse aysan Xaqiijin karin khasaaraha gaaray Ciidamada Kenya.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Kenya dhankooda ay ku jawaab celiyeen Madaafiic kale oo ku dhacday duleedka deegaanka oo dad Shacab Joogaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland ee deegaanka kuwada sugan ay wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Weerarkaasi.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com