War Kasoo baxay Jubbaland ayaa looga hadlay Dagaalka ka dhacay Baladxaawo oo war kala duwan ay kasoo baxayaan cida gacanta ku heysa Magaaladaasi.

Jubbaland ayaa sheegtay Ciidamo katirsan dowladda iney xalay saq dhexe weerer ku qaadeen xeryaha ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland ee duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, sidaasna uu ku bilowday Dagaalka Magaalada.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Sheegtay Weerarkaasi lagu soo qaaday inuu Sababay in ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay usoo ruqaansadaan dhanka magaalada islamarkaana gacanta ku dhigaan guud ahaanba degmada Beledxaawo oo dowladda qabsatay 2-dii bishii March ee 2020-kii.

“Dagaalka ayaa iminka ka socda xeryaha ay Jabhaddu ku leedahay daafaha magaalada, waa laga saaray degmada Beledxaawo ciidankii dowladda ka keentay Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.

Dagaalka oo weli socda waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, mana jirto xog rasmi ah oo laga hayo khasaaraha maadaama uu weli la maqlayo rasaas goos goos ah.