AlShabaab ayaa soo bandhigtay Sawiradda Ciidamo la sheegay in lagu dilay Dagaalkii ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee Mudug.

Sawirro Lagu baahiyay Warbaahinta AlShabaab ayaa lagu soo bandhigay meydadka Ciidamo la sheegay iney katirsan yihiin kuwa Xoogga Soomaaliya oo ku dhintay Dagaalkii ka dhacay maalin hore Bacaadweyn.

Meydadkan ayaa lagu soo bandhigay deegaanada AlShabaab ay ka maamulaan Mudug, kuwaa oo tiro ahaan gaarayay 11 askari oo sida la sheegay ku jiray ciidankii ku dhintay Dagaalkaasi ka dhacay Bacaadweyn.

Wali wax war ah kama soo bixin taliska ciidanka Xoogga oo looga hadlayo warka kasoo baxay AlShabaab ee la xiriira meydadka ay soo bandhigeen Dagalamayaasha Shabaab.