Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Jabuuti ay Kenya ku taageertay faro-gelinta Arrimaha gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay Kenya La safatay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dube oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi ka socda Jabuuti sheegeen in Kenya aanay faro-gelin ku hayn Arrimaha gudaha Soomaaliya taas oo uu sheegay in ay been tahay, Jabuutina aysan ka Filaneen Arimahaas ama iney kala safan doonto dowladda Kenya.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya ay Jabuuti ka dalbaneyso raali gelin degdeg ah.